U bood dhigaalka

14 Jaamacadood oo Lagu Bilaabi Doono Nidaam Internet oo Ay Maalgelin Doonaan Baanka Aduunka iyo BBIAF (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay kulanka Maalgashiga qadka Internetka kaas oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Boostada, Baanka Aduunka iyo BBIAF

Waxaa ka qaybagalay kulankaas Maamul Goboleedyadda Dalka waxaana muhiimadda laga leeyahay uu yahay in la helo hormar internet kaas oo baahi tiraya, Baahida ardaydu u qabaan inay helaan waxbarashada aan galaaska la xaadirin

Kulankan waxa ka qayb galay quburo dhanka  Tiknoolajiyada kuwaas oo talooyin arintan ku saabsan ka jeediyay oo la xiriita ICT-da

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Somalia Guuleed Xuseen Qaasim ayaa sheegay in mashruucan uu  ka bilaabanayo Jaamacadaha 14-ka ee ku midoobey  diladda  REN isagoo intaa raaciyay in uu waxtar badan u leeyahay dalka, si gaar ah ardayda oo iyaga oo guryahooda jooga heli kara adeeg waxbarasho .

Waxaa uu sheegay in maanta kulankani ay ka soo qaybgaleen xubno ka tirsan Maamul Goboleedyadda dalka , taasna ay sii baahinayso muhiimadda fog ee la leeyahay oo ah in adeegan internet la gaarsiiyo guud ahaan Soomaaliya

Steven oo meesha ka hadlay ayaa sheegay in Somalia ay ku socoto wadadadii horumarka waxa uuna tilmaamay inay haminayso waxa loo yaqaan Isgaarsiinta hormartay ee iyadoo meelo fog fog lakala joogo si toos ah la isku arkayo.

Kulankan ayaa la soo xiri doonaa Maalinta berito ah , markaas oo la soo saari doono qodobo la xiriira halka fog iyo sida loogu hayaaminayo Internetka Xooga leh.

005 004 003 002 001