U bood dhigaalka

14 Qof Oo Ku Dhimatay Qaraxa Muqdisho

Sheeko:Dalka

14 qof ayaa ku dhimatay halka 10 kale ku dhaawacmeen qarax ka dhacay afaafka hore ee Hotel Weheliye,  bartamaha magaalada Muqdisho.

Weriyeyaal goobta tagay ayaa Goobjoog News u sheegay in afhayeenka wasaaradda amniga Cabdicasis Xildhibaan uu goobta qaraxa ka sheegay in dhimashadu tahay 14, dhaawacuna 10, dadkaasi oo u badnaa sida uu sheegay Bajaajley.

Goor sii horreysay,  ganacsade goobta dukaan ku leh oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in qarax uu geystay khasaare naf iyo maal leh, isaga oo intaasi raaciyay in dad badan ay waxyeello ka soo gaartay xabadaha dhacay qaraxa kadib.

Goobjoog News