U bood dhigaalka

Akhriso: Xuska 45-Sano Guuradii Ka Soo Wareegatay Xornimada Jabuuti

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta dalka Jamhuuriyadda Jabuuti looga dabaaldagayaa maalintii xornimada uu dalkaasi ka qaatay gumeystihii Faransiiska oo muddo dheer ka talinayay sanadkii 1977.

Xuska munaasibadda 45-sano guuradii ka soo wareegatay markii xurnimada Jabuuti ay ka qaadatay gumeystaha Faransiiska.

Hoos Ka Akhriso Taariikhda Jabuuti Oo Kooban 

Dalka Djibouti, waxaa  uu qeyb ka ahaa Soomaaliya, illaa gumeystaha uu u kala qeybiyay dhulka Soomaaliyeed, Djibouti waxaa uu qeyb ahaan u soo aaday gumeystaha Faransiiska.

Dhulka Soomaaliyeed, taariikh ahaan, waxaa la qeybiyay 1884-tii gaar ahaan shir loogu magac daray shirkii Berlin, waxaa shirkaas ka soo qeyb-galay gumaystayaashii reer Yurub, Mareykanka iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, waxaa lagu qeybsaday Afrika, dalka Soomaaliya waxaa loo kala saaray Shan qeybood oo kala ah: Koofurta Soomaaliya ee Talyaaniga gumeystay, Somaliland oo gumeystaha Ingiriiska reebtay, Djibouti oo ku jirtay cadawda Faransiiska, Nfd oo ku jirta gumeystaha dalka Kenya, Soomaali galbeed oo iyana weli ku jirta gacanta gumeystaha Itoobiya.

Dalka Djibouti waxaa uu xuriyad ka qaatay Faransiiska June 27, 1977, Madaxweynihii ugu horeeyay Djibouti waxaa noqday Xassan Guuleed Abtidoon, Caasimadda Waa  Djibouti, Waxaa looga hadlaa Af-Somali, Afka Faransiiska, Afka Carabiga iyo Afka Cafarta.

Magaalada Djibouti marka laga soo tago, Waxaa jira magaalooyin kale oo caan ah sida Arta, Taourah,   Cali Sabeih, Obok, Dakhil, lacagta laga isticmaalo Franc.

Dalkaasi xuriyaddiisa waxaa u soo halgamay dad badan, Laakin waxaan ka xusi karnaa Maxamuud Xarbi,  Xarbi waa geesi u dagaalamay Xoraynta dhulka Xeebta Soomalida(Jabuuti), dalkan Masar ayuu wax ku bartay, sawirkiisana Naadiga Soomalida ee dalkan Masar ayaa lagu hardhay, ururkii PMP ayuu ku dhisay, isaga oo si cad u mucaaraday joogitaanka Faransiinska ee Jabuuti, ugu dambeentii cadawga Faransiiska ayaa diyaarad kula qarxiyeen badda dusheeda halkaana waxaa ku shahiisay geesiga Maxamuud Xarbi iyo ajaanib kale oo diyaaradda la socday.

Djibouti, Maanta waa dal, Laakin waxaa ummadda Soomaaliyeed u qabteen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay kadib shirar badan oo dib u heshiisiin ah, dalka Djabuti waxaa ka dhacay shirar dib u heshiisiin,  waxaa lagu dhisay 3 dowlad Soomaaliyeed, Sida dowladihii Cali Mahdi Maxamed, Cabdiqasim Salaad Xasan iyo Sheekh Sharif Sheekh Axmed, maanta waxaa ay ciidamadooda nabad ilaalin u joogaan gudha Soomaalida, dadka qaar waxaa ay ugu yeeraan xiligan la joogo Hiilwalaal.

Goobjoog News