U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Dalka Dib Ugu Soo Celisay Muwaadiniin Kasoo Barakacay Sudan

Sheeko:Amniga
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 137 Muwaadin oo ka soo Cararay Dagaalada dalka Sudan ka socda, kuwaas oo galay Todobaadkii Sedexaad.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  ugu qaabilsan soo galootiga ayaa Muqdisho Ku soo dhoweeyay 73-qof, halka sidoo kale 64-qof diyaaradu ka dejisay Garoowe.
Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xamza Aadan Xaadoow oo ka warbixiyay soo dhoweynta muwaadiniinta isagoo sheegay in DFS ay sii laban laabtay dadaalada lagu soocelinayo muwaadiniinteeda ku barakacay gudaha Suudaan iyo dalalka deriska la ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore ugu guuleysatay todobaadyadii tagay ku dhowaad 200 oo ruux, kuwaas oo kasoo cararay dagaalka Sudan.
Goobjoog News