U bood dhigaalka

15 Ku Dhimatay Dagaalka Buundada Galbeedka Baladweyn, Jowharna 7 ay Saraakiil Ku Jiraan

Sheeko:Amniga

Maamul Hirshabelle oo la tacaalaya daadad, dhibaato ka dhalatay isu socod la’aanta iyo arrimo kale ayaa waxaa maalmihii tagay hareeyey dagaallo ku baahay maamulka oo keenay dhimasho, dhaawac iyo in la gubo tuulooyin.

Hiiraan: Labadii Todobaad ee lasoo dhaafay waxaa uu dagaal beeleed ay ku dhinteen in ka badan 15 qof ka dhaceen galbeedka caasimadda Hiiraan ee Baladweyn.

Dagaalkan oo markii hore ka bilowday dhismo buundo oo lagu waday in IOM ka hirgeliso deegaanka Deefow ayaa waxaa isku khilaafay labo beel.

Beesha Makanne oo ogolaatay iyo beesha Jijeelle oo diidan dhismaha buundada ayaa waxaa ay ka dhex dilaacay dagaallo ku fiday deegaanno ay ka mid yihiin Baladul Amiin, Bacaad Buuke iyo meelo kale.

Ilaa hadda marka laga soo tago dhimashada 15-ka qof, waxaa jira dhaawacyo ay beelaha ku dhabiibayaan isbitaallo u gaar ah, waxaa sidoo kale la xaqiijiyey tuulooyin la gubay sababo la xiriira dagaalka.

Weriyaha Goobjoog News ee gobolka Hiiraan waxaa uu sheegayaa in markii hore labada beel la kala dhex dhigay ciidamo ka socda dowladda, laakin markii dambe ay isaga tageen goobaha, taasi oo keentay in maanta dagaalka uu aad u xoogeysto.

Shabeellada Dhexe: Dhanka caasimadda maamulkaasi ee Jowar waxaa maanta ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac kadib markii ay gudaha magaalada soo weerareen ciidamo la baxay Macawisley, ishor imaad dhacay waxaa la xaqiijiyey geerida ilaa 6 qof oo ay ku jiraan labo ka tirsan madaxtooyada Hirshabelle.

Goobjoog News