U bood dhigaalka

15-Sano Jir Caseeye Ahaa Oo Ka Mid Noqday Ganacsatada Ugu Caansan Boorama

Aduunkaan aynu ku noolnahay qof walba nolosha kaalin ayuu kaga jiraa, iyadoo taa ay jirto ayaa hadane dadku waxay qabtaan shaqooyin kala duwan, taasi oo ay kala soo baxaan nolol maalmeedkooda.

Waxaa jira dad badan oo noloshooda kasoo billaaba dabaqadda ugu hoseysa ee nolosha, balse dadaal badan ka dib qaarkood waxay helaan isbedal nololeed iyo mid nafeed, sababtoo ah waxa ay la yimaadeen Samir, Dulqaad iyo Dadaal, oo ah inta lagu gaaro guusha qeybaheeda kala duwan.

Badri Axmed, waa wiil yar oo da’diisu tahay 15-sano jir, waxa uu ku nool yahay magaalada Boorama ee maamulka Somaliland, noloshii markii uu yaraa waxa uu kusoo koray nolol hoose, waxaana uu soo maray daruufo kala duwan.

Waxa uu badri isku dayay inuu la yimaado shaqo wanaagsan oo dadkiisa iyo naftiisa wax ugu qaban karo, waxaana uu noqday Caseeye (Baalashle) isaga oo helay macmiil fiican, waxaana fariisin u ahayd banaanka hore ee xarunta Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama.

Badri dadaal dheer ka dib waxa uu meel dhigtay lacag, isaga oo iibsaday gaari nooca loo yaqaano NOHA, waxaana uu u dhiibay nin darawal ah, gaarigaasi ayaa ka mdi noqday gaadiidka isaga kala goosha gobalada Somaliland.

Marnaba ma uusan ogolaan inuu iska daayo shaqadiisii Caseeyaha ahayd, oo illaa iyo iminka uu ku guda jiro, waxaana uu sheegaa in sababta aanu isaga deynay inay tahay maadaama caseeyaha uu kasoo billaabay dhismaha noloshiisa.

Waxa uu sameystay sidoo kale Dukaan aad u camiran, kaasi oo laga helo wax walba oo dukaan caadi ah lagu iibiyo, sidoo kale waxa uu iibsaday Mooto Bajaaj magaalada ka dhex shaqeysa.

Sidaasi waxaa ku suurta gashay in Badri uu ka mid noqdo ganacsatada ugu caansan ee magaalada Boorama, walibana loogu hadal haynta badan yahay.

Waxaa intaasi sii dheer in Ganacsade Badri ay u shaqeeyaan ugu Yaraan Shan qof oo bil walba qaata lacag mushaar ah.

Wariyaheena Somaliland Nimco Baashe Cabdi ayaa waxaa u suurta gashay in ay la kulanto Badri oo ah wiil yar misane hamigiisa uu aad u wanaagsan yahay.

Waxa uu sheegay in isaga uu si dhab ah shaqadaan u galay, uljeedkiisuna ahaa inuu ka guul gaaro, welina isku arko in wax badan u dhiman yihiin.

“Hankeyga ayaa ahaa in meeshaan iyo ka wanaagsan aan gaaro, waxaan isku dayey shaqo walba oo aan is lahaa waad qaban kartaa inaan qabto, ilaahay baa mahad leh oo meeshaan i gaarsiiyay, walina waxaan rajo kasii qabaa in meelo fog fog aan gaaro insha Allah” ayuu yiri Ganacsade Badri.

Dhinaca kale dhalinyarada u shaqeeya Badri oo iyaguna u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin shaqada ay u hayaan Badri, sidoo kalena ay raaci doonaan wadadiisa si iyaguna ay horumaro u gaaraan.

“Waxaan u shaqeynaa saaxiibkeen Badri, halka uu soo maray iyo dadaalka uu sameeyay ayaan ku daba jirnaa, waana dadaaleynaa, shaqaalaha la macaamilkooda wuu ku wanaagsan yahay, wax walba waa uu inoo sheegaa, wixii qaldan isaga ayaa naga saxa, nama dareensiiyo inaan isaga shaqaale u nahay, anagane dadaalka ayaan sii xoojinnaa” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dhalinyarada u shaqeysa Badri.

Waa arrin muujinaysa in nolosha ay u baahan tahay oo kaliya dadaal iyo u dulqaadasho, sidoo kalena shaqadu aysan lahayn yaraan.

Waa fara ku tiris dhalinyarada sidaan oo kale uga faa’ideysta fursadaha soo mara, iyadoo Badrina uu horseed u noqonayo dhalinyarada Soomaaliyeed in sidaan oo kale u ifiyaan mustaqbalkooda.

W/D: Nimco Baashe Cabdi (Hargeysa-Somaliland)

W/Q: Maxamed Abukar Kulmiye ([email protected])