U bood dhigaalka

15 Xubnood Oo Loo Magacaabay Doorashada Guddoonka Aqalka Hoose Ee Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay xubnaha doorashada guddoonka aqalka hoose.

Kulanka Maanta ay iskugu yimaaddeen Golaha Shacabka xubno gaaraya 177 xubnood ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee golaha Cismaan Cilmi Boqorre iyadoo ajandaha xubnaha horyaallaa uu ahaa hal qodob oo ah Ansixinta xubnaha guddiga qabanqaabadan doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay xubnihii guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka:-

  1. Saalax Axmed Jaamac
  2. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle
  3. Duniyo Maxmed Cali
  4. Daahir Maxamuud Muuse
  5. Xaawo Maxamed Aadan
  6. Sacdiyo Muuse Cabdillaahi
  7. Cabdirashiid Maxamuud Xasan
  8. Sacdiyo Yaasiin Xaaji
  9. Cabdullaahi Colaad Rooble
  10. Aadan Isaaq Cali
  11. Isaaq Maxamed Maxamuud
  12. Hani Maxamed Aadan
  13. Maxamed Cabdiraxmaan Beenabeene
  14. Naciimo Maxamed Gacal
  15. Samiiro Xasan Cabdulle

Guddigan ayaa loo qeybsaday nidaamka 4.5 ee beelaha iyadoo beel kasta min Saddex xubnood ay ku yeelatay guddiga, xubnaha guddiga ayaa markii lagu dhawaaqay ka dib waxay shir albaabadu u xiran yahay ay la galeen guddoonka Golaha Shacabka, Guddigan qabanqaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa looga fadhiyaa iney ku dhawaaqaan xilliga ay dhacayso doorashada guddoonka iyo ku xigeenadiisa iyo waliba qabaqaabada doorashada.

Goobjoog News