U bood dhigaalka

150 Qof oo Ku Geeriyootay Rabshado Ka Dhacay Garoon Lagu Ciyaaro Kubadda Dalka Indonesia

Sheeko:Caalamka

Wararka laga helayo Dalka Indoniisiya ayaa sheegaya in ay dhinteen in ka badan 150 qof tiro ku badan 210 na dhaawacmeen ka dib markii rabshado ka dhaceen goob garoon kubadda lagu ciyaaro ah, rabshada ayaa ka dhacday garoonku yaalla bariga dalkaas xilli ay wada ciyaarayeen laba kooxood kubadda cagta, kuwaas oo siweyn ugu xifaaltama

Rabshadaha ayaa yimi ka dib cayaar dhex martay kooxaha lagu kala magacaabo Arima FC iyo Percy Baya kuwaas oo ku wada ciyaarayey garoon ku yaalla Bariga Java, waxaana isku dhaca uu dhaxeeyay ciidanka amniga iyo sidoo kale taageerayaasha cida ay sheegayaan wararka soo baxaya xilligaan, iyadoo khasaaruhu sii kordhayo.

Ciyaarta oo ahayd mid ay kasoo qayb galeen in ka badan 3000 oo qof ayaa mar keliya isu rogtay dagaal ka dib markii saddex gool loo dhaliyey kooxda Arima FC taas oo taageerayaasheedu xoog ku soo galeen goobtii cayaartu ka socotay,halkaas oo ay ka bilaabatay isku dhaca dhex maray Ciidanka Booliska iyo taageerayaasha kooxda.

Waxaana garoonka durba soo garay gawaarida gaadiid deg deg ah, kuwaas oo kala gurayay dhimashada iyo dhaawaca ka dhacay garoonka, ciidanka Booliiska ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadka ay waxyeelladu ay soo gaartay waxaana goobta soo gaaray ciidanka booliiska Rabshada ka hortaga, kuwaas oo xiray goobta garoonka.

Goobjoog News