U bood dhigaalka

16 Musharrax oo Laga Dhageystay Khudabaha Doorasho ee Aqalka Sare ee BFS

Sheeko:Baarlamaanka

 Waxaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho xubnaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya oo dhageystay khudbadaha musharrixiinta u tartamaysa guddoonka golahaas.

Kulankan oo ahaa kalfadhigii 1 kulankiisii 4aad ayaa waxaa soo xaadiray xubno 42 xildhibaan ah, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Maxamed Xuseen Raaage, ajandaha kulanka ayaa ahaa dhageysiga khudbadaha musharraxiinta u taagan xilka guddoonka baarlamaanka.

Kulanka marka uu furmay inta aan loo gudo gelin ajandaha ayaa waxaa la dhaariyay saddex xubnood oo si rasmi ah uga mid noqday Aqalka Sare ee Baarlmaanka.

Intaa kadib, waxaa la dhageystay  khudbadaha musharrixiinta oo Labo ka mid ah u tartameyso guddoomiye, halka ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad ay  u tartamayaan min 7 xildhibaan, iyadoo guud ahaan xubnaha u sharraxan guddoonka Aqalka Sare ay gaarayaan 16 xildhibaan.

Kulanka markiiii uu soo gabagabooyay ayaa guddoomiye Raage uu la hadlay xubnaha baarlmaanka Aqalka Sare oo ugu baaqay iney si wada jir ah ula shaqeeyaan qofkasta oo ku soo baxay doorashada.

“Cidda doorashada kusoo baxaysa Illaahay ayaa og, dhammaan murashixiinta ciddii soo baxda oo nasiib u yeelata xilkan waa iney la  shaqeeyaan, sidoo kale waa in wakhtiga doorashada la ilaaliyo”.

Doorashada guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinimada berri ah 9:00 Am (Subaxnimo) ay ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyadoo isla berri la  dooran doono guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa.

Goobjoog News