U bood dhigaalka

16ka Oktoobar 2014 maalinta cunnada adduunka (WAR SAXAAFADEED)

Sheeko:Dalka

 

MUQDISHO/NAIROBI -Ayada oo ay jiraan xaalado dagdag ah oo gaajo oo dhowr ah – oo qaarna dabiici yihiin qaarna dadku ay sababeen – ayaa WFP waxay u dabbaal dageysaa Maalinta Cunnada Aduunka ee 16ka Oktoobar, ayadoo

eegeysa caqabadaha daafaha caalamka oo idil ka jira iyo horumarka dhabta ah ee laga sameeynayo “dabar goynta gaajada .” labadaba.

 

“Sanad walba, waxaan goob joog unoqonaa saamaynta xun ee gaajadu kuyeelato qoysaska, bulshooyinka iyo dhaqaaleyaal dhan,” sidaa waxaa yiri Agaasimaha Fulinta ee WFP Ertharin Cousin. “Laakiin inkastoo ay jiraan carqalado dhibaato badan oo ku hareereysan gobollo dhan, waxaanu samaynaynaa horumar dhab ah oo ah dhanka dagaalka loogu jiro in si lasii wadi karo oo waareysa loo soo afjaro gaajada iyo nafaqo darrada ba’an.

Malaayiin qof ayaa haatan si sidii hore ka wanaagsan u awooda inay u dhisaan naftooda iyo jiilka xiga mustaqbal ka madax bannaan gaajo ayadoo taana ay ugu wacan tahay shaqada aan qabano anaga iyo shirkadaha aan shirkada nahay ee ku saabsan diyaargarowga, taageerada qoysaska beeraleyda ah la siiyo, cawimaada dhanka nafaqada ah – gaar ahaan 1000ka maalmood ee cunuga noloshiisa ugu horeeya-iyo dhisitaanka dhabar adayga bulshooyinku ay ugu adkaystaan dhibaatooyinka.”

Marka loo eego warbixintii _Xaalada Raashin Yarida ee Caalamka ee 2014, tirada guud ee dadka caalamka ee gaajeysan waxay hoos u dhacday 37 milyan, waxay noqotay 805 milyan, oo 63 dal ayaa gaaray ahdaaftii caalamiga ahaa ee dhimitaanka gaajada ka hor 2015, taasoo daliil u ah horumarka macquulka ah marka dawladuha, ururada gargaarka baniaadminimo iyo dhaqaalaha gaarka ah ay isugu yimaadaan inay sameeyaan isbaddal  Si kastaba ha ahaatee, wadamada sida Soomaaliya oo kale ah, horumaradii

yaraa ee la sameeyay tan iyo dhammaadkii 2011-2012 abaartii dhacday eecdishay rubac milyanka qof dib ayaa waxaa u celinaya sababo isbiirsaday, sida roobkii oo daahay iyo roobkii oo yar, dagaalada ka socda qeybo ka

mid ah dalka iyo kaalmada baniaadminimo oo yaraatay ayadoo ay ugu wacan tahay dhaqaalaha oo xaddidan iyo sidii lagu tagi lahaa meelaha qaar oo adag.

“Marka ay beesha caalamku wax ka qabanayso dhibaatooyinka kale, waa inaysan ilaawin Soomaaliya — oo in ka badan 1 milyan oo qof ay u

halgamayaan inay daboolaan baahida ugu yar ee ay raashinka u qabaan ayadoo in ka badan 200,000 oo carruur ah ay nafaqo darro hayso, kuwaasoo 40,000 oo ka mid ah ay aad nafaqo darro u hayso ayna geeri qarka u saran yihiin,” sidaa waxaa yiri Laurent Bukera, Wakiilka WFP ee Soomaaliya.

“Hadii aysan jirin cawimaad baniaadminimo oo dagdag ah isla markaana sii socon karta, tirooyinkaan sida khatarta ah u sareeya iminkaba waxaa laga yaabaa inay sii kordhaan.”

 

WFP waxay jawaab ka bixinaysaa baahida ba’an ee sii siyaadeysa ee ka jirta dalkaa Geeska Afrika kuyaal ee liita kaasoo 3 milyan oo qof oo ku

nool ay u baahan yihiin noocyo gargaar baniaadminimo ah. Bishii shanaad ee sanadkaan, WFP waxay sare u qaaday nafaqeynta ah badbaadinta nafta iyo gargaarka raashinka ee dagdaga ah si loogu soo daro kiisas badan oo dagdag ah oo ka badan 250,000 oo qof, taasoo ka dhigaysa tirada dadka WFP celcelis ahaan bil walba ay caawiso hal milyan in ka badan, laakiin dhaqaalaha waxaa si dagdag ah loogu baahan yahay inuu sii gaarsiisnaado heerkaan wax ka qabashada dhibaatada ah, sidaa waxaa yiri Bukera.

 

Xoojinta maciishada iyo kordhinta dhabar adaygu sidoo kale waa qeyb ka mid ah shaqada WFP ee Soomaaliya. Koofurta Soomaaliya, WFP iyo ururada ay shirkada la tahay waxay la shaqeynayaan beeraleyda beeraha yaryar si loo kordhiyo heerka wax soo saarka, si loo horumariyo tayada dalaga soo go’aya iyo – markii ay macquul tahay -in si toos ah looga soo gado ayaga si gacan loo siiyo koritaanka suuqyada.

 

Daraasado dhawaan la sameeyay waxay muujiyeen saameynta xun ee gaajada iyo nafaqa yaridu ku yeelan karaan nolosha shakhsiyaadka, bulshooyinka iyo dhaqaalaha qaranka. Macluumaad laga helay daraasado isdaba joog ahaa oo loogu magac daray Cawaaqibka Gaajada Afrika ama _Cost of Hunger in Africa, waxay muujiyeen in gaajadu awood u leedahay inay dhinto shaqaalaha qaranka ilaa 9.4% iyo dakhliga guud ee dalka (GDPs) ilaa 16.5%, taasoo si aad ah u xaddidaysa awooda dal soo koraya uu u leeyahay inuu ku sameeyo maalgashiga iyo koboca aad loogu baahan yahay.

 

Tani waxay muujinaysaa sababta beesha caalamku ay tahay inay u sii wado halganka looga gol leeyahay duni gaajo aysan ka jirin, duni carruurta iyo qoysasku ay dhisi karaan mustaqbalkooda beeraleyduna si sidii hore ka wanaagsan ay isu quudin karaan bulshooyinkoodana ay ku caawin karaan inay noqdaan kuwo isku filan, Cousin ayaa sidaa yiri.

 

Sanad walba, WFP waxay u dabbaal dagtaa Maalinta Cunnada Aduunka ayada iyo FAO iyo IFAD gudaha Rome iyo xafiisyo ku yaal daafaha caalamka.

 

Mawduuca Maalinta Cunnada Aduunka ee sanadkaan waa “beer falasho qoys,” oo ka mid ah hababka badan ee WFP ay ku taageereyso dhaqaalaha maxaliga ah si loo dhiso isku filnaanshaha iyo in dadku ku guuleystaan dabar goynta gaajada ka jirta bulshooyinkooda dhexdooda. Halkaan waxaa ah habab dhowr ah oo WFP ay ku caawinayso mustaqbalkooda celcelis ahaan 90 milyan oo qof sanadkiiba:

 

· Siinta raashin gargaar oo dagdag ah dadka ay asiibeen musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dadku sababeen, sida Ebola-da

Galbeedka Afrika iyo dagaalada ahliga ah ee Suuriya, Ciraaq, Jamhuuriyada Bartamaha Afrika iyo Koofurta Suudaan

 

· Taageerida ama bixinta barnaamijyada cuntooyinka karsan ee iskoolada ku yaala meelha baadiyaha ah, ayadoo siisa qiyaas ahaan 20 milyan oo ah carruurta ugu saboolsan fursad ay ku helaan mustaqbal ifaya

 

· Mudnaan siinta soo gadashada raashinka [5] gudaha dalalka soo koraya iyo in laga soo gado qoysaska iyo beeraleyda beeraha yaryar [6] si loo taageero dhaqaalaha maxaliga ah

 

· Iskaashi la yeelashada shirkadaha iyo ururada [7] daafaha caalamka ka jira si loo horumariyo hawlaha WFP, si loo abuuro xalal hal abuur iyo wax cusbooneysiin leh isla markaana loo uruursho qarash dadkana loo wacyi galiyo