U bood dhigaalka

17 Qof Oo Ku Geeriyootey Dagaal Ka Dhacay Baydhabo, Shacab Ayaa u Badan

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan maamulka K/galbeed ayaa maanta oo Jimco ah wuxuu ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Ciidamadan ayaa la sheegay iney ku dagaallameen raashiin gargaar ah oo dad masaakiin ah loogu qeybinayey magaalada Baydhabo.

Inta la xaqiijiyey waxaa goobta ku dhintey 17 ruux oo 13 kamid ah yihiin shacab, halka Afarta kalena la sheegay iney ka tirsanaayeen ciidankii dagaallamay, waxaana dhaawacmay in ka badan 20 qof.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in sarkaal watey ciidamada gaarka ah ee K/galbeed uu bilaabay dagaalka ka dhacay Baydhabo, kadib markii uu isku dayey inuu si awood ah ku qaato raashiinka la qeybinayey, balse waxay iska caabin kala kulmeen ciidamo ilaalo u ahaa guddoomiyaha gobolka Baay.

Waxaa isbitaalka Baydhabo la gaarsiiyey dhammaan dadkii dhaawaca ahaa, iyadoo xaaladda magaalada ay tahay mid kacsan.

Madaxtooyada Baydhabo waxaa hadda ka soconaya shir albaabada u xiran oo ay leeyihiin madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo saraakiisha dhanka ammaanka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News