U bood dhigaalka

18 QOF AYAA DHIMATAY MARKII ALSHABAAB AY WEERARTAY SALDHIG CIIDAN.

Sheeko:Dalka

18 qof ayaa dhimatay markii xarrakada Alshabaab ay weerar ku qaadday saldhig ciidan oo ku yaalla koofurta Soomaaliya. Dadka geeriyooday waxaa ka mid ah 14 dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab iyo 4 askari kuwaasoo ka mid ahaa askartii gacanta ku hayey saldhiggaan ciidan oo ku yaalla gobolka Bakool. Alshabaab ayaa saldhiggaan ku qaadday weerar culus sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Xarrakada Alshabaab ayaa kasoo weeraray saldhigga dhawr jiho ka hor intii aysan cagta marin fariisinkaan ciidan sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Bakool. Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in ugu dambeyn dib la isaga caabbiyey Alshabaab dibna looga qabsaday saldhigga.

Xarrakada Alshabaab ayaa sheegtay inay dagaalkaas ku dishay 10 askari iyagoo qabsaday saldhigga islamarkaana ka qaatay agab milatari. Alshabaab oo gacan-saar la leh ururka Alqaeda ayaa weerarro joogto ah ku qaadda saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaaliyaasha ee AMISOM.