U bood dhigaalka

19-sano oo ka soo wareegtay dilkii haweeneydii reer Talyaani ee caawin jirtay Soomaalida

Sheeko:War

19-sano kahor Waxaa maanta oo kale 07 October sanadkii 2003-dii magaalada Boorame lagu dilay Annalena Tonelli, oo ahayd haweenay u dhalatay dalka Talyaaniga, ka tirsanayd haayadda UNHCR, muddo 33 sanno ahna caawinaysay dadka saboolka ah ee Africa.

Dr. Tonelli, ayaa xilligaas jirtay da’da 60-sano jirka ah, waxaana dilkeeda geeystay kooxa aan heybtooda la aqoon oo hubaysan.

“Dhamaanteen hey’ada UNHCR waxaanu aad uga naxnay geerida Tonelli” sidaana waxaa yiri sarkaalka ugu sareeya Hey’ada UNHCR ee xilligaas Ruud Lubbers, waxay ahayd ayuu yiri qof nafsadeeda u hibeysay caawinta dadka kale, iyadoo hawsheeda ka waday meelaha fog fog ee dhibaatada ka jirta aanu caalamku war ka hayn.

Bishii June ee sanadkaas Tonelli waxa ay ku guuleeysatay abaal marinta ugu sareeysa ee UNHCR oo la yiraahdo, the Nansen Refugee Award, taasi oo ay ku heshay 33 sano oo la shaqeysay Soomaalida, iyadoo ka bilawday Qaxootiga Sooomaalida ee ku noolaa Kenya, 1986 waxay u wareegtay Soomaaliya, halkaasi oo ay ka furtay dugsi lagu tababaro dadka dhagaha la’a, cisbitaal weyn oo isna lagu daweeyo Cudurka qaaxada iyo goob lagu xanaaneeyo dadka qaba cudurka AIDS-ka. Waxaana ay dadaal ugu jirtay ciribtirka caadada gudniinka fircooniga ah.

Goobjoog News