U bood dhigaalka

2 QoF Oo Ku Geeriyootey Shil Ka Dhacay Somaliland

Sheeko:Caafimaadka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa shil gaari oo ka dhacay waddo isku xirta magaalooyinka Berbera iyo Burco ee maamuka Somaliland.

Inta la xaqiijiyey Labo ruux ayaa shilkaasi ku geeriyootey waxaana ku dhaawacmay 8 kale sida ay inoo sheegeen dad Goobjoogayaal ah.

Dad waxyeellada soo gaartay waxay saarnaayeen gaari nooca raaxada ah oo kasoo baxay magaalada Berbera ee gobolka Waqooyi galbeed kuna socday magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Wararka qaar waxay sheegayaan in gaariga oo si xowli ah ku socday uu ka dhacay meel buur ah, taasina ay soo dedejisay khasaaraha halkaasi ka dhashay.

Dadka dhaawaca uu soo gaaray qaarkood waxaa la sheegayaa iney xaaladooda caafimaad aad u liidato, iyadoo lagu daweynayo isbitaalka guud ee Burco.

Goobjoog News