U bood dhigaalka

2 Ruux Oo Ku Geeriyootay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax maanta abaare 2-dii duhurnimo ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga isgoyska Xaawo Taako.

Qaraxa ayaa ahaa gaari la sheegay in  laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaasi oo la dhigay bannaaanka hore maqaayad lagu magacaabo Sky Blue, halkaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Inta la xaqiijiyey Labo qof ayaa goobtaasi ku geeriyootay, waxaana dhaawac uu soo gaaray in ka badan 5 qof oo shacab ahaa.

Qaraxan ayaa waxyeello u geystay xarumo ganacsi oo ku yaalla halkaasi, sidoo kale waxaa goobta ku gubtay dhowr gaari.

Xilliga qaraxan uu dhacayey ayaa maqaayadda uu albaabkeeda ka dhacay iyo kuwa kale ee ku dhow waxaa ku sugnaa shacab badan, xilligaasina waxay ahayd xilli qado.

Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xoogganaa, waxaana laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, kadib qoraallo ay ku baahiyeen baraha ay Internetka ku leeyihiin.

29-kii August 2016, qarax gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay nawaaxiga Hoteelka SYL ee Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

q17 q16 q15 q14 q13 q12 q11 q10 q9 q8 q7 q6 q5 q4 q3 q2 q1

Goobjoog News

FG: Sawirada Waxaan Kasoo Xigannay SONA