U bood dhigaalka

2 Ruux Oo Ku Geeriyootay Shil Ka Dhacay Sool

Sheeko:Dalka

Labo qof ayaa ku geeriyootay 7 kalena  waa ay ku dhaawacmeen Shil gaari oo ka dhacay Degaanka Qurac Dheere ee duleedka Magaaladda Laascanood ee Gobolka Sool.

Sadax  ka mid ah Dadka  Dhawacmay ayaa  isku ehal ahaa , waxana dhawacooda la dhigay isbitaal ku yaalla Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool.

Shilkan ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari Waaraad ah, iyadoo dadka dhaawaca soo gaaray ay carruur ku jiraan.

Dadka qaar oo xaaladoodu daran tahay ayaa loo sii gudbiyey magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Wa gaarigii Labaad ee ku rogmada 24 saac gudaheed deegaanno ka mid ah gobolka Sool.

Shilalka sidan oo kale ah ayaa loo sababeynayaa xirfadda darawallada gaadiidkaasi ka xeysa oo aad u yar iyo xil iska saaris la’aan dadka ay wadaan.

Goobjoog News