U bood dhigaalka

2 Ruux Oo Ku Geeriyootey Shil Ka Dhacay Degmada Kaxda

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in  halkaasi uu ka dhacay shil gaari oo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Siyaad Axmed Maxamed oo kamid ah saraakiisha amniga ee degmada Kaxda ayaa u sheegay Goobjoog News, in uu si iskiis ah u rogmaday gaari yar oo ay la socdeen Lix ruux, waxaana halkaasi ku dhintey 2 qof halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.

Gaariga ayaa si xowli ah ku socday, waxaana la sheegay in darawalka uu si awood ah ku geliyey gaariga meel leexad (Goolad/jiiro) ah, sidaasina uu gaariga ku rogmaday.

“Labo qof ayaa dhimatay, 4 ayaa dhaawac ah, gaariga nooca Niicda loo yaqaan ee yar yarta ah kana dhex shaqeeya Ex-control Afgooye iyo Kaxda ayuu ahaa, darawalkii waa uu badbaaday, dadkii dhaawaca ahaa Isbitaal ayaa loo qaaday, kuwa dhintayna maamulka ayaan ku wareejinnay” ayuu yiri Siyaad.

Darwalka wadey gaariga waxaa hadda lagu hayaa saldhigga Booliiska ee degmada Kaxda, iyadoo weli arrintan maamulka degmada aanu ka hadal.

Goobjoog News