U bood dhigaalka

2 Sano Kadib Afgambigii Dhicisoobey Ee July 15, Turkiga Oo Barwaaqo Cagta Saaray

Sheeko:Dalka

Maanta waa July 15keeda, waxaa 2bo sano laga joogaa afgambigii dhicisoobey ee Turkiga, kolkaas oo koox ka tirsan  askarta dalkaaasi ay sameeyey afgambi  dhicisoobay,  waxaa uu ahaa afgambigii  7aad ee ka dhaca dalkaasi.

Afgambigan dhicisoobey oo ay ka dambeeyeen saraakiil daacad u ah  dhaqdhaqaaqa Gülen  oo 2014kii lagu daray liiska argigixisada, waxaa ku dhintay 250 qof  halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 2,000.

Kooxdan Gülen , waxaa ay saacado yar gudahood gacanta ku dhigeen madaxtooyada, xarumaha baarlamaanka iyo sirdoonka iyo goobo kale oo muhiim ah.

Dadkii ka dambeeyey afgambiga ee gacanta ku hayey waxay aaminsanayeen in afgambiga la soo afjari doono subaxa hore iyadoo la isticmaalayo awood, waana rajada ay qabtay kooxda Gulen waxayna ugu magac dareen afgambiga “hawlgalkii biriqda” taasi oo markii dambe guul-darro ku dhamaatay.

Dhinaca kale, Dadka reer Turkey waxaa ay diideen afgambigaas, waxaa guuleystay rabitaankooda iyo jaceylka ay u qabaan hoggaamiyahooda Recep Tayyip Erdoğan, iyaga oo bad-baadiyay hey’adaha dimoqoraadiga ah, waxaana maalintaas noqotay mid taariikhi ah.

Dadka inay ay weli jecel yihiin waxaa kugu daliil ah markii Erdoğan dartiis dastuurka loo badalay sanadkii hore, lagana guuray nidaamkii baarlamaaniga ahaa oo loo guuray nimaad madaxweyne, si taas looga miro dhaliyo waxaa ay shacuubta Turkiga aqlabiyad 52.6 ku doorteen doorashadii bishii hore June 24, hadda waxaa uu madaxweynaha soo dhisay xukuumad, waxaa lagu wadaa in xaaladda deg-deg ah la qaado todobaadka soo socda 2 sano kadib, Turkigana waxaa uu cagta saaray waddadii horumarka iyo hoggaaminta.

Inkasta uu dalkaasi dagaal kula jiro argigixisada, NATO-na uu ciidan badan siiyay, hadana dhaqaalaha dalkaasi waa mid adag, sanadkii tagay waxaa uu noqday dalka ugu korista badan xagga dhaqaalaha adduunka, waxaa xoogan hey’adaha kala duwan, waxaa intaas dheer shaqo abuur badan.

Dalka Turkiga, waxaa uu sidoo kale maalgeshi u aaday caalamka, dalalka ay maalgeshteen waxaa ka mid ah  Soomaaliya, waxaa uu dalka ka fuliyay mashaariic badan oo ay ku jiraan dhismaha jidad, Isbitaallo,  Dekadda iyo Airportiga Muqdisho halka Turkish Airways ay tahay diyaaradda keliya ee caalamiga ah ee ka soo degta Muqdisho, iskuna xirta Soomaaliya iyo Yurub.

Warar Arrintan La Xiriira:

+Halkan Ka Akhris Sida Afgambiga U Dhacay

+Askareynta Kooxda Gülen

+Afgambiyadii Ka Dhacay Dalkaasi

Goobjoog News