U bood dhigaalka

2 Sano Kadib Amarkii Trump uu Albaabada Mareykanka uga Xirtay 7 Dal oo Ay Soomaaliya Ku Jirto

Sheeko:Dalka

Amarkaasi dartii, waxaa kala irdhoobey qoysas badan, dadka musaafirka ahaa oo jaho-wareer ku dhacay, arday ayaa jaamacado tagi waayey, caruur iyo waalid ayaan is arkin, dadka xanuunsan iyo dad dhintay ayaa loo tagi waayey.

Amarkaas waxaa uu saameeyey Iran, Suuriya, Ciraaq, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan iyo dalka Yemen.

Qodobada uu Trump soo saaray waxaa ka mid ahaa .

  • In la joojoyo barnaamijka aqbalaadda qaxootiga muddo  120 maalmood ah.
  • In xayiraad la saaro xaqootiga ka imaanaya waddanka Syria, marka laga reebo dadka masiixiga ah oo si gaar ah loo eegayo.
  • In la joojiyo qaabilaadda dadka ka imaanaya waddamada Ciraaq,Syria iyo goobaha ay ka jiraan rabashadaha Muddo 90 maalin ah.
  • In la xadido dadka Mareykanka weydiisanaya magangelyada kuwaas oo ku dhisan caadaadisyada dhanka diinta ah iyo inuu qofka uu ka soo jeedo meelo laga tiro badan yahay .
  • In la jooiyo dadka Mareykanka ku galaya wareysi la’aanta kuwaas oo u fududeynaya iney helaan Visa, iyada oo la marinayo waraysiyo gaar ah.

Arrintan ayaa waxay saameynaysaa dadka haysta green Card-ka, ardayda, iyo dadka doonaya iney Mareykanka galaan si loogu soo daweeyo iyo kuwo kale

Sanadkii tagay, maxkamadda sare ayaa ayiday go’aanka Trump iyo dowladdiisa kadib dagaal xagga garsoorka ah oo waxbo la isku reeban.

Goobjoog News