U bood dhigaalka

Puntland: 20 Doolar Oo Laga Qaadayo Dadka Dhoofaya

Sheeko:Dalka

Garoonka diyaradaha magaalada Gaalkacyo C/laahi Yuusuf Aiport iyo Garonka diyaradaha magaalada Boosaaso ayaa lagu soo rogay lacag laga qaadayo dadka ka dhoofaya garoomadaasi taasi oo dhan $20 Dollar.

Qaar ka mida shirkadaha diyaaradaha ayaa ka biyo diiday lacagta khidmada ah Ee wasaaraddu kusoo Rogtay, taas oo ay sheegeen inay ku adag tahay, waxaana dhawaan jirtay in shirkadaha duulimaadka ee Puntland taga ay ka cabanayaan qiimo kororkaasi uu sameeyay maamulkaasi.

Hadaba Wasiirka wasaarada duulista hawada iyo garoomada Puntland Xasan Xaaji Siciid Xasan Cadde oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay jirto Lacagta shirkadaha duulimaadka lagu soo Rogay

Waxa uu tilmaamay in lacagtaan ay tahay mid lagu fududeynayo howlaha shaqo ee garoonka, lagana doonayo oo kaliya qofka dalka ka baxaya waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waa qidmad yar oo dadka iyo dalka faa’ido u leh, waxay sare u qaadeysaa hannaanka shaqo ee dhallianyarada ka howlgasha garoonka” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Xasan ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warar maalmahan dambe la isla dhexmarayay oo ahaa in diyaaradaha qaar ee Puntland ka howlgali jiray ay shaqooyinka joojiyeen.

Lacagtaan dheeraadka ah ee lagu soo rogay duulimaadyadii Gaalkacyo ayaa sababtay in maalmo hakad gasho shaqadii garoonka C/laahi Yuusuf ee Gaalkacyo.

Goobjoog News