U bood dhigaalka

Muungaab oo xilka ka qaaday afhayeenkii maamulka gobolka banaadir

Sheeko:War

Wareegto Ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jeneral Xasan Maxamed Xuseen “Muungaa”, ย ayaa waxaa xilka looga qaaday afhayeenkii maamulka gobolka islamarkaana lagu magacaabay afhayeen Cusub oo uu yeeshu ย maamulka .

Cali Maxamuud Faarax “cali seeek” ayaa loo magacaabay afhayeenka cusub isagoo bedelaayo Axmed cusmaan Muxudiin “Axmed Showqi” oo xilkaas horay u hayey.

Sida lagu cadeeyey wareegtan kasoo baxday xafiiska duqa Magaalada Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka ย ayaa lagu sheegay ujeedadeeda xil ka qaadista iney ka dambeyso ย baahida loo qabo dar dar gainta howlaha Warfaafinta ee Maamulka Gobolka banaadir iyo in mudnanta lasiiyo waayo aragnimo shaqo inuu lahaado shaqsiga qabanaayo xilka Afhayeenka maamulka.