
Golaha Wasiirada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa Isku Raacay in dib u habeyn lagu sameeyo Safaaradaha Dowladda federaalka Soomaaliya ay ku leedahay wadamada Caalamka.
Arrintan waxaa soo jeediyay wasiirka arrimaha dibedda ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kaasi oo tilmaamay inay haboontahay in Safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay wadamada caalamka la yareeyo oo lagu soo koobo 31-safaradood, si wax looga Bedelo sida uu sheegay Qiimo la’aanta Baasaboorka Soomaaliya iyo Awood darri dhaqaale oo Dowladda ka heysata Mushaaraadka Shaqaalaha Safaaradahaasi.
Golaha wasiirrada ayaa dood dheer ka yeeshay muhiimadda uu leedahay in dib u habbeyn lagu sameeyo Safaararadaha waddanka ee dalka dibeddiisa ku yaalla kaddib markii ay wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya golaha wasiirrada hor keentay si loo dadajiyo arrintan isla markaana loo soo celiyo Muuqaalkii saxda ahaa ee safaaradaha dalkeenna uu dibedda ku leeyahay.



From the comments