Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg, kaasi oo looga hadlayay arrimaha ammaanka iyo sida wax looga qaban karo beegsiga Xildhibaannada iyo dadka wax galka u ah bulshada.
Kulanka oo u jeedkiisu ugu weyn ahaa sidii ay u kala warqaadan lahaayeen Wasiirka Amniga iyo Guddiga amniga ee Baarlamaanka oo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee xaga amniga, gaar ahaan howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ciidamada ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa markii uu soo idlaaday kadib, waxaa Warbaahinta la hadlay Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga ee Baarlamaanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, waxa uuna sheegay in kulanka looga hadlay howlgallada, adkeynta amniga iyo dabagalka xubnaha ka tirsan xarakada Al-Shabaab sida hadalka uu u dhigay.



From the comments