
Shirkan gaarka ah ee ay Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho maanta waxaa shir guddoominayey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxaana looga hadlay Hindisaha Xakameynta Hubka sharci darrada ah, Tayeenta Waxbarashada dalka iyo qodobo kale.
Shirka Golaha Wasiirada oo aroortii hore ee saakay bilowdey ayaa soo dhammaadey xilli dambe, go’aannadii ka soo baxay shirka golaha Wasiirada, ayaa waxaa Warbaahinta u faah-faahiyey Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli, waxaana uu sheegay in golaha Wasiirada ay ammaan iyo boggaadin u jeediyeen dhammaan Ciidammada Qalabka Sida oo maalmihii la soo dhaafay qaadey tallaabooyin lagu dhabar jabiyey kooxaha nabad diidka, isagoo xusay in hay’adaha ammaanka la faray in ay sii xoojiyaan dadaalladaasi.
Sidoo kale golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta si weyn uga doodey Hindise-sharciyeedka Xakeynta Hubka, kaa oo ay Wasaaradda Amniga Qaranka soo gudbisay, marka la eeggo muhiimadda Sharcigaasi, ayeey golaha Wasiiradu siiyeen waqti dheeraad ah oo ay uga doodaan, sida uu sheegay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya.



From the comments