U bood dhigaalka

Tuur yare: “Al-shabaab ulama dhaqanno sida ay dadka ula dhaqmaan”

Sheeko:War
0219
Taliyaha Ciidamada Maxkamadda Qalabka Sida, Cabdiraxmaan Maxamed Tuur yare

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in hannaan aan ka duwanayn sida Cadaalada u helaan Muwadiniinta Soomaaliyeed ay ula dhaqmaan raga lagu tuhmayo ku lug lahaanshaha xarakada Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo la hadlay Goobjoog FM waxa uu sheegay in ay haboonaan lahayd sida uu yiri in la dedejiyo xukunnada lagu ridayo dadka ka mid ah xarakada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayuu ku eedeyay in marka ay qabtaan dadka dambiyada loo haysto durbadiiba ay kula dhaqaaqaan dil, hase ahaatee dhanka Dowladda wadadaasi aysan qaadi karin.

Maxkamadda Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadyadii u dambeeyay xukunno dil ah ku fulisay dad ku eedeysanaa dilal ay hore u geysteen.