Waxaa istaagay dagaalkii degmada Wadajir ka qarxay saaka walow rasaas mararka qaar la maqlayo. Dagaalka ka dilaacay degmada Wadajir ayaa ka dhashay ciidamada dowladda oo damcay in ay hubka ka dhigaan guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmad Daaci, dabadeedna ay dagaal kala hor yimaadeen maleeshiyaadka ilaalada u ah guddoomiyhii hore ee Wadajir.
In kastoo ay adag tahay in la helo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii saaka hadana wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu geystay dagaalkaasi.
Axmed Daaci ayaa la sheegay inuu hoygiisa ka baxsaday, waxaana xaruntiisii ku sugan ciidamada dowladda oo ay kaalinayaa kuwa AMISOM.



From the comments