Muqdisho: Dab khasaare sababay oo ka kacay garaash ku yaala wadada 30ka

War naga soo gaaray xaafada Baar Ubax ee degmada Howl-wadaag ayaa sheegay in dab uu ka kacay garaash ay ku yiileen gawaari fara badan.
Warar hor dhac ah oo ay heshay Goob Joog FM ayaa sheegay in dabku uu sababay khasaare soo gaaray 5 , kuwaasoo la tilmaamay in ay bas beeleen.
Warar hoose ayaa sheegaya in dabkan uu ka dhashay gaari ku jiray garaashka oo la sheegay in uu qarxay. Goob jooge ku sugan agagaarka goobta uu dabku ka kacay ayaa Goob Joog FM u sheegay in ay jiraan warar kala duwan oo la isla dhex marayo, kuwaas oo la xiriira waxyaabaha uu ka dhashay dabka.
Gawaarida dab-damiska shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa gaaray garaashka, dabadeedna ku guulaysatay deminta dabkaasi.
Ciidamada nabad sugida dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan ku hareeraysan garaashka dabka uu ka kacay .
Wixii war ah ee ku soo kordha kala soco Goobjoog FM