Wafdi uu hor kacayo Kornel Barre Hiiraale oo maanta gaaray Kismaayo
War goor dhow naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in Barre Aadan Shire (Hiiraale) uu maanta gaaray Kismaayo.
Ka dib markii saacad ka hor uu Magaalada Kismaayo gaaray Kornel Barre Hiiraale iyo ciidamo la socday, waxaa hada gudaha Kismaayo ka socda shir afar geesood ah oo dhex maraya Korneyl Barre Hiiraale iyo hogaamiyaha maamulka KMG Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), waxaana goobta shirka ka dhacayo jooga masuuliyiin ka socda urur goboleedka IGAD iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
12-ka bisha soo socota ee September ayaa lagu wadaa in Kismaayo uu ka furmo wajiga labaad ee shirka dib u heshiisinta beelaha dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Wixii war ah eek u soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM