Mareykanka oo xaqiijiyey dilka hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Godane.
Dowladda Mareykanka xafiiska Waaxda Arimaha Difaaca ayaa xaqiijisay maanta dilka Hogaamiha Al-Shabaab Axmed Godane, kadib duqeyntii isniinta loo geystay gaadiid ay la socdeen Hogaamiyaha Al-shaabaab Axmed Godane iyo rag kale.
Mareykanka ayaa warbixintooda ku sheegay in Al-shabaab ay khatar ku tahay Afrika iyo Soomaaliya, isla markaana ay u mari-doonaan waddo walba oo xagga Siyaasad, Difaaca iyo Basaasnimo ah sidii xog looga heli lahaa ama lagu dili lahaa Hogaamiyayaasha Al-shabaab.
Mareykanka ayaa intaa ku daray in arinkan ay guul u tahay sirdoonka Maraykanka oo muddo dheer baadi goobayay Hogaamiyaha Alshabaab.
Xilli hore oo maanta ayaa Afhayeen u hadlay dowladda beeniyay war ay baahisay Reuters oo lagu daabacay Bogga Facebook-ga ee R/wasaaraha Soomaaliya oo sheegaya dilka Godane.
Axmed Godane ayaa ahaa Hogaamiyaha Al-shabaab ilaa 2008-deedii xiligaas oo ay weerar midkan oo kale ah Mareykanka ku dileen hogaamiyhihii hore ee Al-shabaab Aden Cayrow.