Mareeray:Cudurka Duumada oo soo ritay in kabadan 15 qof
Maamulka deegaanka Mareeray ee gobolka SHabeellaha hoose ayaa sheegay in dadkaasi ay ku sugan yihiin tiradii ugu badnayd ee caruur uu soo ritay xanuunka duumada.
Siid Mayow Baalle oo guddoomiye ka ah deegaanka Mareeray ayaa sheegay in ay sii kordhayaan saacad kasta caruurta xanuunkan ku dhacayo.
Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha deegaankaasi in halkaasi uu ku yaallo keliya xarun caafimaad oo loogu tala galay hooyada iyo dhalaanka oo aan ka jirin dawo ku filan.
Masuulkan ayaa sheegay in dadka badankood aysan awood u lahayn in ay iska bixiyaan qarashaadka daawooyinka isla markaana ay ka muuqdaan nafaqo daro baahsan.
“Dadka uu soo ritay cudurkan ayaa gaaraya 15 qof, waxaana ka jira deegaanka hal isbitaal” ayuu yiri Siid Mayow Baalle.
Waxa uu ka codsaday hay’adaha sama falka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u gurmadaan dadka uu soo ritay cudurka Malaariyada.