Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeelanaya fadhiga 1-aad ee kal-fadhiga 5-aad
Sheeko:Dalka

Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay yeeshaan fadhigoodii ugu horeeyay ee kalfadhiga 5-aad ee Baarlamanka.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamanka mudane Mahad Cabdalle Cawad ayaa u sheegay raadiyaha ku hadla afka dowladda Federaalka Soomaaliya in baarlamanku uu maanta yeelanayo kulankii ugu horeeyay ee kalfadhiga 5-aad ee baarlamanka Federalka Soomaaliya.
Xildhibaan Mahad ayaa tilmaamay in kulanka maanta looga hadli doono ajandayaal muhiim u ah masiirka dalka iyo qorsha howleedka baarlamanka.
Sabtidii la soo dhaafay ayaa madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu si rasmi ah u furay kalfadhiga 5-aad ee baarlamanka kadib markii ay mudanayaashu soo dhameysteen fasaxoodii.