Daahir Ciiro “Khilaafka madaxda waxaa keenay awoodaha aan kala cadeyn “ (Dhageyso)
Sheeko:Dalka
Xildhibaan hore Daahir C/qaadir Muuse Ciiro ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee madaxda sare isku khilaafeen ay tahay awooda madaxda oo aan kala saarneyn.
Waxa uu sheegay Ciiro in dalka uu u yaalo Dastuur Ku meel gaar ah, sidaa ay tahayna ay uu muuqato in dastiirka aanu awooda Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha kala bixinaynin.
Isku shaandheyntii uu dhawaan sameeyay Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed ayuu ku sheegay in ay tahay mid isaga xaq uu u leeyahay shaqadiisana ay ka mid ahayd.
Khilaafyada sidaan oo kale ah ayuu sheegay Daahir Ciiro in ay kasoo daaleyn, islamarkaana ay shacabka u barteen mar tanoo kale hadii ay timaado in uu u baxo Ra’iisul wasaarayaasha.
Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Ciiro.
Goobjoog News