U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u amba baxay magaalada Copenhagen ee Denmark

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta ka amba baxay magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

Wafdigaan uu hogaaminaayo madaxweynaha waxay ka qeyb gali doonaan shir looga hadlayo hiigsiga 2016, kaa oo furmi doona 19-ka bishaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir gudoomin doona shirkaasi, waxaana soo qaban qaabisay dowladda Denmark, iyadoo ay ka qeyb gali doonaan wadamada deeq bixiyaasha caalamka.

Xubno ka mid ah golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa ka mid ah wafdiga maanta ka amba baxay magaalada Muqdisho, kuna wajahan wadanka Denmark.

Dowladda Mareekanka ayaa dhawaan sheegtay in wax wafdi ah aysan u diri doonin shirkaan, ka dib markii ay u cuksatay khilaafka dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra’iisu wasaaraha dalka.

Ilaa iyo hadda ma jirto xal rasmi ah oo laga gaaray khilaafka madaxda, xilli ra’iisul wasaaraha uu sheegay in khilaafkooda uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin shirka Copenhagen.

Halkaan hoose ka Akhriso magacyada xubnaha Soomaaliya uga qeyb galaaya shirkaan.

1-Madaxwynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud
2-Wasiirka Arimaha Dibada Somalia Abdulrahaman Duale Beyle
3-Wasiirka Arimaha Gudaha Abdullahi Godah Barre
4-Wasiirka Gaashaandhiga Mohamed Sheikh Hassan Hamud
5-Wasiirka Maaliyada Husein Abdi Halane
6-Wasiirka Caadalada iyo Dastuurka Farah Cabdu qaadir
7-Wasiirka Arimaha Haweenka Khadiijo Mohamed

Dhinaca Gudoomiyaasha Gobolada Dalka

1-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Hassan Mohamed Hussein (Mungaab)
2-Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Abdulkadir Mohamed Nur Siidii
3-Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Hussein Wehlie Cirfo
4-Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow

Halkaan hoose ka daawo Sawirada

4 3 2 1

Goobjoog News