U bood dhigaalka

Xarun dowladda Hoose oo cusub oo la dhagax dhigey Gaalkacayo ( Dhagayso)

Sheeko:Dalka

Cabdisamad Cali GuuleedSida uu kusoo waramayo wariyaheena magaalada Gaalkacayo waxaa maanta dhagax la dhigey xarun cusub oo dowladda hoose ee Gaalkacayo ay yeelanayso, taasi oo dhismaheeda iska kaashadeen hey’adda Tiis ee Maraykanka iyo waliba wasaaradda arrimaha gudaha.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudu Cabdisamad Cali Guuleed ayaa sheegey in horey mashaariic kale sida madaxtooyada, garoon ciyaaro iyo dhisme arrimo bulsho looga dhisey Gaalkacayo, kanina uu yahay mashruucii afaraad, taasi oo uu ka mahadceliyey.

Guddoomiyaha degmada Gaalkacayo ee Galmudug Bile Diini Cali ayaa sheegey in dowladda hoose horey u lahayd dhisme, balse dhismahaasi uu ku yaraaday, loona baahday dhismo waasac ah oo hawlaha bulshada oo dhan lagu fulin karo.

Dhismahani ayaa waxa uu imanayaa xili Gaalkacayo ay ka socdaan mashaariic horumarineed sida leyl la galinayo magaalada iyo wadooyin la dayactirayo.

Goobjoog News