Xildhibaano Sheegay in ay ka tanaasuleen mooshinkii laga keenay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka tanaasuleed mooshinkii dhawaan laga keenay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.
Xildhibaan Cabdulaahi Cumar Abshiroow oo ka mid ahaa xildhibaanadii mooshinkaan keenay ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in markii ay arkeen marxaladda dalka uu ku jiro, ay go’aan ku gaareen in ay ka tanaasulaan mooshinkii ay keeneen.
“Mowqifka xildhibaanada qaarkood ee ku aadanaa mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha wuu is bedalay, si loo bad baadiyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ka Abshiroow ahaan waxaan cadeynayaa inaan ka tanaasulay mowqifkii hore, diyaarna u nahay inaan umadda bad baadinno, iyo sidoo kale in aan la kala qeybin baarlamaanka dalka” ayuu yiri Xildhibaan Abshiroow
Xildhibaanka ayaa dhinaca kale ugu baaqay dhamaan xildhibaanada qaba aragti ahaan Mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha in ay ka tanaasulaan, islaamarkaana laga shaqeeyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Waxaa hadda soo muuqanaya isbedal dhanka xildhibaanada qaarkood ah, ka dib markii Baarlamaanka dalka Laba jeer uu ku guul dareestay kulan ay lahaayeen si loo qeybiyo mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Halkaan hoose ka dhageyso.
Goobjoog News