U bood dhigaalka

Buugaag ay qoreen qorayaal da’yar waxne kusoo bartay dalka dibadiisa oo Muqdisho lagu soo bandhigay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BuugaagMagaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu soo bandhigay Buugaag ay qoreen dhalinyaro Soomaaliyeed oo da’yar kuwaa oo wax kusoo bartay dalka Dibadiisa.

Bandhigan lagu soo bandhigayay Buugaagtaan waxa ka qaybgalay aqoon yahano u badan , qorayaal, kuwaas oo goobta ka sheegay in tani uljeedkooda ay tahay in ardayda Soomaaliyeed laga taageero   habka qoraal samaynta.

Buugaagta ugu badan ee Qorayaasha da’da yar ay soo bandhigeen ayaa ah Ganacsiga iyo Maareynta.

Suldaan Nayruus Xaaji Aadan oo ah Qoraha Qamuuska Ganacsiga ayaa u waramay Wariyaheena Munasar Maxamed Cabdi, waxaana uu wax ka weydiiyay dareenkiisa iyo sidoo kale Buugaagta uu isaga qoray, gaar ahaan midkii uu soo bandhigay.

Waxa uu sheegay in buugiisa ganacsiga ku aadan uu yahay mid umadda Soomaaliyeed muhiimad gaar ah u leh, islamarkaana juhdi badan lagu bixiyay, laguna qoray Af-Soomaali la fahmi karo.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News