U bood dhigaalka

Wafdi ka taliya Nabadda oo la filayo in ay gaaraan degmada Caabudwaaq oo xiisad colaadeed ka taagan tahay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

caabudwaaqWafdi ka taliya nabadda ayaa la filayaa in ay maanta gaaraan degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud, halkaasi oo maalmahana dambe ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa beelo halkaasi wada degan.

Waxa ay ka koobanyihiin wafdigaa ilaa 11 xubnoo, kuwaa oo loo xil saaray wax ka qabashada xiisadaha kusoo laab laabtay degmada Caabduwaaq iyo sidii nabad loo heli lahaa.

Duraan Cali Fareey oo ah afhayeenka gudigaan ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ay qabanaa rajo wanaagsan oo ah in colaadaan soo laab laabatauy la xaliyo.

Afhayeenka ayaa dhanka kalae sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan markii ay ku gaaraan degmada Caabudwaaq ay ku xalin doonaan xiisahadaan halkaasi ka jira.

Degmada Caabudwaaq ee gobalka Gal-gaduud, waxaa kusoo laab laabtay xiisado u dhaxeeya beelo halkaasi wada dega, waxaana horay u dagaalamay beelahaan xalkooda la doonayo.

Halkaan hoose ka dhageyso.