U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Muungaab iyo Nicholas Kay oo kulan ku leh xarunta dad dhigista ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa haatan waxay kulan ku leeyihiin Xarunta dad dhigista ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa ah mid Albaabada u xiran, waxaana saxaafadda ay ka tahay dibad joog, iyadoo ilaa iyo iminka aan la ogeyn waxa laga hadlayo.

Kulankaan ayaa markii uu soo gaba gaboobo waxaa la filayaa in Labadoodaba ay qabtaan shir saxaafadeed ay ku faah faahinayaan waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Warkaan wixii kusoo kordha la soco.

Goobjoog News