U bood dhigaalka

Dood Cilmiyeed ku Saabsan Af-Soomaaliga iyo Isticmaalkiisa Warbaahinta oo Lagu Qabtay Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

IMG_3787Xeeldheerayaal Af-ka Soomaaliga , warfidiyeeno ka hawlgala warbaahinta iyo cilmi-baarayaal ayaa ka qeybgalay dood aqoon isweeydaarsi ah oo looga hadlayay isticmaalka Af-ka Soomaaliga ee Warbaahinta taasi oo ay si wadajir ah usoo qabanqaabiyeen hey’adda Internews iyo machadka Heritage.

Waxaa madasha oo ah mid biloow ah hadalo ka jeediyey, fahamkoodana kusoo bandhigey xeeldheerayaasha Afka Soomaaliga ah kuwaasoo kala ah Axmed Shiraac oo ah qoraa iyo af-yaqaan, Maxamuud Xaamud oo horey oga soo shaqeeyey laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ahna qoraa, Dr. Mustafa Feyruus oo culuumta afafka ka dhiga jaamacadda Muqdisho iyo sidoo kale Abshir Bukhaari oo ah xeeldheere afka, islamarkaasina ah mulkiile warbaahineed. Waxaa dooda daadihineyey Cabdiraxmaan Ceynte oo ah Cilmi-Baare iyo Wariye kasoo shaqeeyey laamo kala duwan oo idaacadaha Afka Soomaaliga ku hadla.

Dr. Mustafa ayaa soo bandhigey darsi kooban oo ku saabsan Af-Soomaaliga, wuxuu sheegey in ay ku hadasho illaa 25 malyuun oo qof oo ku nool dalalka Geeska Afrika iyo aduunka intiisa kale, yahay afafka 3-da ah ee ugu waaweyn ama loogu isticmaalka badanyahay Afrika ama cilmi baarista ugu badan laga sameeyey.

Isagoo ka hadlayay marxaladihii kala duwanaa ee uu afka soo maray ayuu sheegey in ka hor intii aanan la qorin afka ay warbaahinta Soomaalida kaalin lixaad leh ka qaadatay horumarinta Af-Soomaaliga, sida erey bixinada oo kale, isaga oo tusaale usoo qaatay in ereyada kala ah Dayac-Gacmeed, Daanta Galbeed, Marinka Qasa ay bixiyeen wariyeyaashii ka shaqaynayay idaacadaha kala duwan ee Afka Soomaaliga ku hadlayay intii u dhaxaysay 1941-dii oo la furey idaacadii ugu horeysey illaa 1972-dii oo la qorey afka.

“Waxaa moowduuc aad looga doodo saacado badan noqon jirtey tusaale jihooyinka oo kale sida loo sheegayo, ma ahayn wax sahlan in ninba sida uu doonayo idaacada oga yiraahdo, waxaa lagu qasbanaa in si dadka oo dhan ay wada fahmayaan loo dhoho, waxaana laga yaabaa in arrinkaasi ay idinka maanta idinla sahlantahay” ayuu yiri Dr. Mustafa.

Mar uu ka hadlay meesha uu maanta taaganyahay Af-Soomaaliga ayuu sheegey in ay jirto rajo weyn, islamarkaasina waxyaabo badan oo ka dabo tag leh ay jiraan, wuxuu sheegey in loo baahanyahay in Af-Soomaaliga lagu sameeyo habeyn ama mideyn taasoo micnaheedu yahay in marka la qorayo la’isku waafaqo qaab la’isla yaqaano.

Hawshani habeynta ayaa waxa ay u taalaa dhawr qolo oo kala ah Maamulada Dawliga ah, Bahda Waxbarashada, Mac-hadyada Cilmi-Baarista, iyo Sidoo kale saxaafadda, isaga oo hawlaha u kala qaaday kuwa sahlan qabashadooda oo kaliya u baahan in la’iska waafaqo iyo kuwa ay tahay in laga wada fariisto oo qorshe laga yeesho.

Macalin Shirwac oo isna si qotodheer oga hadlay afka ayaa waxa uu sheegey in afka uu u baahanyahay barasho rasmi ah, qof kasta oo Af-Soomaaliga ku hadlana aysan micnaheedu ahayn in uu garanayo afka, “Afka waxa uu leeyahay naxwe, illaa naxwahaasi aad baratana ma garanaysid afka, waxna kuma qori kartid” ayuu yiri.

Maxamuud Xaamud ayaa sheegey in isaga uu muddo dheer kasoo shaqeeyey Akadeemiyadda Fanka iyo Dhaqanka, haatana dib boorka looga jafayo. Wuxuu intaasi ku daray in qofka ama ilmaha waxa kaliya ee uu qof jira oo bini’aadam ah ku noqon karo ay yihiin in uu afkiisa barto.

Mudane Abshir Bukhaari ayaa isaga ka hadlay kaalinta warbaahinta iyo Af-Soomaaliga maanta, wuxuu sheegey in warbaahinta looga baahanyahay dadaal badan, gaar ahaan xagga qoraalka “Waxaa laga yaabaa in warbaahinta ay ka shaqeeyaa illaa 40 qof, laakiin dadka wax qora waxaa suurtoowda in labo ama sedex ay yihiin” ayuu yiri Abshir oo ku baaqay in xil badan mulkiilayaasha warbaahinta iska saaraan horumarinta Afka.

Dadkii kasoo qeybgalay aqoon isweeydaarsiga waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Maxamed Sheegoow oo isagu buug Af-Soomaaliga uu ka qorey kusoo bandhigey madasha, buuggaasi ayaa waxaa lagu magacaabaa Afka Hooyo U Hiili. Sheegow waxa uu agaasime kasoo noqdey Radio Muqdishoow iyo Wakaaladdii Wararka SONNA “Waxaa dhici jirtey in warqad Ingiriis ku qoran aad la gashid istuudiyaha oo leerku casyahay, lagaana rabo in aad Af-Soomaali ku turuuruxisid, mararka qaarkood arrimaha ku qoran waxa ay ahaayeen kuwa naftaada ay halis ku gali karto haddii aad qaladid, maantana waad arkaysaan meesha ay wax marayaan” ayuu yiri Sheegoow.

Dood dheer kadib, waxaa la’isla goostey in ay muhiim tahay in bil kasta la qabto shir looga hadlayo Af-Soomaaliga, sidoo kale la sameeyo gole ka shaqeeya afka kaasi oo sameeya ereybixino ay adeegsato warbaahinta. Dhinacyadii kasoo qeybgalay ayaa muujiyey sida ay oga go’antahay in ay hawshaasi kaalintooda wanaagsan ka qaataan.

IMG_3794 IMG_3789 IMG_3787 IMG_3783 IMG_3781 IMG_3778 IMG_3775 IMG_3771 IMG_3768 IMG_3767 IMG_3760 IMG_3759 IMG_3749

Goobjoog News