U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo jeediyay xalinta khilaafka Baarlamaanka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xasan Sheekh MaxamuudMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxa uu usoo jeediyay in la xaliyo khilaafka ka dhex aloolsan mudanayaashaan ka dib mooshinkii laga keenay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay xildhibaanada aragti ahaan kasoo horjeeda mooshinkaan, waxaana uu u sheegay in aanay wanaagsaneen xilligaan Baarlamaanka in buuq hareeyo, sidoo kalena ay aragti ahaan kala duwanaadaan.

Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi oo ka mid ah xubnihii la kulmay Madaxweynaha ayaa sheegay in ay aad usoo dhaweeyeen in la xaliyo waxa ka jira Baarlamaanka Soomaaliya, madaxweynahana uu muujiyay sida uu wax walba uga xunyahay.

Xidhibaanka ayaa sheegay in mudanayaasha diidan mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha ay magacaabeen gudi wada hadal gala, kuwaas oo la hadli doona gudi ay sidoo kale iska soo maga caabi doonaan xubnaha mooshinka wada.

Xildhibaanada Baarlamaanka dalka ayaa aragti ahaan ku kala qeybsan mooshin laga keenay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh, kaa oo muddo Sedax maalin ah sababay in fadhigii Baarlamaanka buuq ku dhamaado.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News