U bood dhigaalka

Wasiirka Beeraha ee dowladda Federaalka oo ka warbixiyay shir uu uga soo qeyb galay dalka Kenya

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda beeraha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Axmed Baafo ayaa ka warbixyay shir uu dhawaan uga soo qeyb galay wadanka Kernya iyo waxyaabihii shirkaasi looga hadlay.

Shirkaan ayaa looga hadlayey hormarinta beeraha waxa uuna wasiirka sheegay ka dib markii uu maanta dib ugu soo laabtay muqdisho in shirkaas uu kasoo jeediyey qudbad uu kaga hadlay qorshaha wasaarda ee ku wajahan hor marinta iyo sara u qaadida wax soo saarka beeraha dalka.

Wax yaabihii lagu eegay shirkaan waxaa ka mid ahaa hadii ay jiraan wax soo kordhay, waxyaabi loo baahan yahay iyo hadii ay caqabado jiraan, eek u aadan dhinaca beeraha.

“Shirkan wuxuu daba socday shir caalami ah oo looga hadlayay nafaqada Beeraha kaasoo la qabtay sanadkii 1992-dii, waxaa la eegayay maxaa soo kordhay, maxeey yihiin caqabadaha cusubee soo kordhay, maxaa loo bahanyahay, side ayeey tahay in wax looga qabto”

Ugu dambeyn wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisu ay ka go’antahy sidii ay u hor marin lahayd wax soo saarka beeraha dalka isla markaana wasaaradu ay hada wado qorshayaal sare loogu qaadayo nafaqeynta beeraha si loo dhiira galiyo beeraleyda Soomaliyeed.