U bood dhigaalka

Dagaal u dhaxeeya beelo walaalo ah oo ka socda gobalka Mudug (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya beelo walaalo ah ayaa lagu soo waramayaa in maanta uu ka soconayo duleedka deegaan lagu magacaabo Warshuba, oo ka mid ah gobalka Mudug.

Dagaalkaan ayaa qarxay shalay, ilaa iyo haatanna waxa uu ka soconayaa halkaasi, iyadoo uu jiro qasaare nafeed iyo min hantiyadeed intaba.

Mid ka mid ah dadka ku dhaw halka dagaalkaan uu ka soconaya ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in halkaasi ay ku dhinteen in ka badan 10 qof iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Dagaalkaan ayaa ka bilawday sida la sheegay isku haysashada godad cusbada laga qodo iyo sidoo kale dhul daaqsin halkaasi ku yaala.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid isku howshay daminta xiisadaan, waxaana dadkii dhaawacmay la sheegay in look ala qaaday degmada Cadaado iyo degmada Xarardheere.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News