U bood dhigaalka

Maamulka Baladweyne oo warbixin ka bixiyay waxyaabaha u qabsoomay iyo waxa ay hiigsanayaan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BaladweynMaamulka magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha maamulkaasi u qabsoomay mudada uu shaqeynayay iyo sidoo kale waxa ay hiigsanayaan.

Gudoomiyaha magaaladaasi Maxamed Cabdi Khalaafoow oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in maamul ahaan wax badan uu u qabsoomay, marka loo eego dhanka adeegayada Bulshada, sida dib u dhiska, caafimaadka iyo Waxbarashada.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in uu ku guuleystay maamulkiisa in uu wax ka qabtay dhanka amniga oo aad u muhiim ah, Isdhexgalka Bulshada, iyo sidoo kale Horumaro kale.

Dhanka Hiigsiga ayuu sheegay in wax badan ay aad u daneynayaa, sida dib u habeyn casri ah oo dhanka wadooyinka lagu sameeyo, kaabayaalka dhaqaala, dan yarta oo lasoo kobciyo, Agoonta oo la daryeelo, Haweenka Garoobada ah oo qarashaad la siiyo, gaar ahaan kuwa haysta caruuta.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay aad ugu haminayaan sidii ay ardayda ka baxda dugsiyada sare ku heli lahaayeen Jaamacado lacag la’aan ah oo maamulka qarashka bixiyo.

Dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay Gudoomiyaha magaalada Baladweyne Maxamed Cismaan Macalin Khalaafoow in ay mushaaraad siiyaan ciidamada Booliiska, Nabad sugidda, iyo kuwa Asluubta, ka dib markii uu tilmaamay in muddo aad u badan aysan helin wax mushaar ah.

Halkaan hoose ka dhageyso.

 

Goobjoog News