U bood dhigaalka

Xildhibaano Rajo Wanaagsan Ka Muujiyey Kulanka Baarlamaanka ee Barito (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

mudanayaashaXildhibaanada wada mooshinka ka dhanka Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa sheegay in rajo wanaagsan ka qabaan qabsoomidda kulanka baarlamaanka si buuq iyo sawaxan la’aan ah.

Maalinta burrito ah oo talaado ku beegsan 2-december ayaa baarlamanka la geynayaa mooshinka, sida lagu caddeeyay warkii ka soo baxay xafiiska guddoonka golaha shacabka Soomaaliyeed.

Illaa sedex kulan oo kan ka horeeyey ayaa waxaa hareeyey buuq iyo qeylo, taas oo suurogal ka dhigi weysey in kulamadaasi ay qabsoomi waayaan.

Laakiin wadahadalo socdey maalmihii lasoo dhaafay ayaa lagu gaaray heshiis dhinacyadii is hayay dhexmaray, iyada oo la’isku afgartay in codka baarlamaanka lagu kala boxo.

Khilaafka hareeyey madaxda Soomaaliya ayaa dalka ka dhaliyey qalalaase siyaasadeed, balse waxaa hadda la filayaa in khilaafkaasi lagu xaliyo codka baarlamaanka.

Dhageyso

Goobjoog News