U bood dhigaalka

Maxkamadda Yurub oo Faransiiska Ku Xukuntey in ay Magdhow Siiso Dad Soomaali ah oo Lagu Eedeyey Burcad Badeednimo

Sheeko:Dalka

pirateMaxkamadda Xuquuqul Insaanka ee Yurub ayaa dowladda Faransiiska ku xukuntey in lacag badan oo magdhow ah siiso rag Soomaali ah oo ciidamada Faransiiska ay kasoo qabteen badweynta Hindiya, kadibna lagu la sheegey in xabsiga lagu hayay wax ka badan intii uu sharciga qabay iyada oo aanan maxkamad lasoo taagin.

Maxkamadda ayaa dowladda Faransiiska ku heysata sababta ragani oo lasoo qabtay sanadkii 2008-dii loo geyn waayay maxkamad muddo 48 saacadood gudahood ah sida uu sharciga qabo.

Waxa ay maxkamada xukuntey in midkiiba ragan mag dhow ahaan loo siiyo $6 kun doolar oo ah dhibaato maskaxeed oo soo gaartay iyo waliba $4 kun oo doolar oo lagu siinayo qarashaadkii xagga garsoorka.

Goobjoog News