U bood dhigaalka

Wafti Qaramada Midoobey iyo Mas’uuliyiin Maamulka Jubba oo booqdey Goobo loo Diyaariyey Qaxootiga Ee Kenya Laga Soo Celinayo

Sheeko:Dalka

KismaWafti ka socda Qaramada Midoobey iyo mas’uuliyiinta maamulka Jubba ayaa shalay soo kormeerey goobo loo diyaariyey in la dajiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee kusan xerooyinka Dhadhaab kuwaasi oo qaar ka mid ah lagu wado in ay dalka dib ugu soo laabtaan.

Goobaha la dajinayo dadkaasi ee loo diyaariyey waxaa ka mid ah deegaanka Lugloow , Goobweyn iyo Waliba Jaamacadda Kismaayo agteeda, kuwaasi oo dhamaantood magaalada ka xiga dhanka Waqooyi.

Sidoo kale waxaa dadka loo diyaariyey deegaanka Saac Mooja oo magaalada ka xiga Waqooyi Galbeed, ama wadada u baxda dhanka degmada Afmadoow.

Sida uu soo sheegayo wariyaheena Kismaayo Mascuud Cabdullaahi Aadan, waxaa sidoo kale la diyaariyey deegaano ku yaala gobolka Gedo, sida Balad Xaawo iyo Luuq.

Maamulka ayaa sheegey in ciidamo amniga suga ay halkaasi geeyeen, islamarkaasina geedaha laga qardeeyey.

Sida ay sheegtey hey’adda qaxootiga UNHCR , illaa 3 kun oo qof ayaa isugu diiwaangalisey in dalka dib loogu celiyo.

Ku dhawaad nus malyuun qof oo qaxooti ah oo Soomaali u badan, kuwaasi oo la doonayo in dalkooda lagu soo celiyo, balse ay tahay in ay iyaga iskood u doortaan in ay soo laabtaan.

Sida ay sheegeen saraakiishii Qaramada Midoobey ee shalay booqdey meelaha la diyaariyey ayaa sheegey in dadka la siin doono raashiin ku filan sedex bilood iyo waliba gunno lacag ah, iyo sidoo kale jiingado ay guryo ka samaystaan.

Dhageyso

Goobjoog News