U bood dhigaalka

Warbixin Dheeraad ah(Dhageyso): Wariyaal Lagu Laayey Qarax ismiidaamin ah oo Galabta ka dhacay Baydhabo, Koofur Galbeed Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya qaraxii galabta ka dhacay Baydhabo, qiyaastii 15 qof ayaa ku dhintay in ka badan 20 qofna waa ku dhaawacmeen kadib markii Gaari lagu qarxiyay goob lagu shaaho oo ku taalo bartamaha magaalada Baydhabo.

Aden Geesey Wariyaha Goobjoog ayaa goor dhaw sheegay in Wariyaal ku dhamaadeen qaraxan iyadoo tiro kale oo Saxafiyiinka Gobolka ay halkaas ku dhaawacmeen.

Ciidamaha Amniga ayaa howlgal ka bilaabay magaalada balse wali gacanta laguma dhigin dadkii qaraxaas weyn magaalada ka geystay.

Axmed Maxamed Dheere oo ka tirsan saraakiisha Gobolka ayaa goor sii horeysay Goobjoog u xaqiijiyay qaraxa, isagoo sheegay in galabta abaarihii 5:12 galabnimo qaraxyadaas ka dahceen goob shacabka wax ka iibsadaan oo ku taalo bartamaha Baydhabo.

Mas’uulka n ayaa intaa ku daray in dad badan halkaa ku dhinteen, dad kalana ay ku dhaawacmeen, Dheere ayaa sheegay in dadkii dhaawaca ahaa la dhigay Isbitaalka Magaalada.