Faah Faahin:- Markab Dagaal Iyo Ciidamo Ku Sugan Deegaanka Sabca-Asharaaf Ee Jubada Hoose Oo Rasaas Is Weydaarsaday (Dhageyso)
Ciidamo ka mid ah kuwii uu hogaaminayay Barre Aadan Shire Hiiraale oo ku sugan deegaanka Sabca-Asharaaf ee gobalka Jubada Hoose iyo Markab Dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa dhex martay israsaaseyn daqiiqado badan socotay.
Markabkaan ayaa kusoo dhawaaday xeebta deegaankaasi, waxaana saraakiisha ciidamadaan halkaasi joogtay ay sheegeen in dhankooda weerar uu kusoo ahaa.
Markabka ayaa halkaasi kusoo tuuray madaafiic, iyadoo sidoo kale ciidankii deegaanka Sabca-Asharaaf joogay ay rasaas kale ugu jawaabeen.
Cabdiwahaab Cismaan waxa uu ka mid yahay saraakiisha ciidamada uu hogaaminaayay Barre Hiiraale, isaga oo ku sugan deegaanka ay wax ka dhaceen ayuu u sheegay Goobjoog in ay aad isaga caawiyeen Markabkaasi.
Qasaaraha ayuu sheegay in deegaanka Sabca-Asharaaf ay ku baaba’een xoolo badan, balse aanu jirin qasaare kale oo shacabka soo gaaray.
Xaaladda deegaanka ay wax ka dhaceen waa mid aad u degan, waxaana wal wal xoogan uu hayaa shacabka deegaankaasi ku nool.
Dhanka saraakiisha Kenya ee AMISOM ka mid ah wax war ah kama aanay soo saarin israsaaseyntaankooban iyo waxa markabkooda uu deegaankaasi ka doonay.
Halkaan Hoose ka dhageyso.
Goobjoog News