Gudiyada Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe oo La Dhameystirey
Sheeko:Dalka
Waxaa la magacaabay dhamaan gudiyadii maamul u sameynta Gobolada Dhexe, iyada oo la magacaabay guddoomiyeyaasha gudiyadaasi. Gudiyada ayaa diyaar u ah in ay tagaan madasha shirka lagu qabanayo.
Gudiyada iyo guddoomiyeyaashooda ayaa kala ah sidan soo socota
- Guddoomiyaha Gudiga Maamul u sameynta Gobolada Dhexe : Xaliimo Ismaaciil Ibraahim
- Guddoomiyaha Gudiga Dastuur u sameynta maamulka : Cabdinuur Macalin Maxamuud
- Guddoomiyaha Gudiga Dib u Heshiisiinta, Xalinta Khilaafaadka, iyo Xulista Ergada : Sheekh Cumar Maxamuud Mahad
- Guddoomiyaha Gudiga Sahay Siinta , Dajinta Ergooyinka iyo Marti Sharafta : Daahir Xasan Guutaale
- Guddoomiyaha Gudiga Amniga , Anshaxa iyo Kormeerka : Cuuke Xaaji Cabdiraxmaan
- Guddoomiyaha Gudiga Abaabulka iyo Wacyigalinta : Cabdullaahi Cabdi Cabdulle
Dhameystirka gudiyada ayaa imanaya xili qabanqaabada iyo u diyaargaroowga shirka uu marayo heer gabogabo ah, gudiyadana waxaa la filayaa in ay tagaan goobta shirka marka lasoo dhiso xukuumadda cusub, gaar ahaan wasiirka arrimaha gudaha.
Goobjoog News