Wasaaradda Maaliyadda iyo Baarlamaanka oo Isku Mari La’ Miisaaniyadda 2015
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa doodii ugu weyneyd ka keeney miisaaniyadda 2015-ka taasi oo ay baarlamaanka horkeentey wasaaradda maaliyadda, waxaana maanta baarlamaanka hortiisa lagu maraanmaray wasiiru dowladaha maaliyadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Kulankii maanta waxaa kasoo qeybgalay 164 xildhibaan, waxayna xildhibaanada su’aalo badan oo adag weeydiiyeen wasiiru dowlaha .
Arrimaha dooda ay ka keeneen xildhibaanada waxaa ka mid ah sababta miisaaniyadda 80% loogu qoondeeyey arrimaha maamulka iyo mushaaraadka, halka adeegyada bulshada iyo hawlgalada ciidamada loo qoondeeyey 20% oo kaliya.
Waxa kale oo ay xildhibaanada dood ka keeneen sababta miisaaniyadda loogu soo dari waayay mushaaraadkii maqnaa ee xildhibaanadii KMG ahaa, mushaaraadkaasi oo miisaaniyaddii sedexaad ay xildhibaanada dalbanayaan in lagu soo daro, balse aanan wali lagu soo darin.
Lacagta xildhibaanadii KMG ah mushaar ahaan oga maqan ayaa waxa ay dhantahay $900 doolar, waxayna xildhibaanada hadda jooga sheegeen in mas’uuliyiintaasi hore ay shaqo adag soo qabteen, aysana jirin sabab xaqooda loo duudsiiyo.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Jaylaani Nuur Iikar oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegey in barito uusan jirin wax kulan ah, taasi badalkeedanada gudiga maaliyadda baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda ay wada fariisan doonaan, islamarkaasina isla soo turxaan bixin doonaan miisaaniyadda, kadibna baarlamaanka dib ugu soo celin doonaan maalinta arbacada oo ah maalinta sanadka ugu dambeysa.
Haddii 31-ka Diseembar 2014-ka la meelmarin waayo miisaaniyadda sanadka 2015-ka, waxa ay taasi horseedeysaa in la xiro bangiga dhexe, islamarkaasina aanan hal shilin laga isticmaali kari khasnadda dowladda maadaamaa aysan ansixin miisaaniyadda sanadka 2015-ka.
Markaasi kadib waxa uu baarlamaanka ku qasbanaan doonaa in la meelmariyo miisaaniyad 3 bilood ah, kadibna miisaaniyadda oo dhameystiran sanadka soo socda dhexdiisa la mariyo baarlamaanka.
Haddii ay taasi dhacdo waxa ay noqoneysaa markii labaad, iyada oo sanad ka hor la xirey bangiga dhexe, kadibna la ansixiyey miisaaniyad sanad bilood ah.
Dhageyso
Goobjoog News